29 qof abaar ugu geeriyooday Jubbaland

Image

GAROWE- Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay geerida 29 ruux oo abaaro ugu dhintay deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada dhexe, Gedo iyo Jubbada Hoose, waxayna sidoo kale ka dayriyeen nolosha dadweyne kale oo halkaasi ku dhaqan.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay VOA ayaa sheegay in deegaanada ay dadkan ku dhinteen ay ka jiraan abaaro xooggan oo saameeyey dad iyo duunyaba.

Darwiish, ayaa sidoo kale tilmaamay in dad aad u badan oo abaarta ka cararaya ay usoo qaxeen magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland kuwaasi oo sheegay in xaaladoodu aad u liidato.

Maamulka Jubbaland ayaa codsaday in gargaar deg deg ah lala soo gaaro deegaanada dhibaatooyinka ka jiraan.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii muddooyinkii ugu dambeeyay soo baxaysay qaylo dhaan ka imaanaysa dad shacab ah oo la il-darnaa xaaladda abaareed ee gayiga Somalia ka jirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM