​4 qof oo lagu dilay duqaymo ka dhacay Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia- Hoobiyaal xalay lagu tuuray qaar kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa galaaftay nolashada 4 ruux oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay ilaa 20 kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed.

Duqaymahan, ayaa la tuuray abaaro 03:30 xilliga Suxuurta ee waddanka Somalia, waxaana ugu yaraan 10 Hoobiye lagu riday xaafaddaha Howlwadaag iyo  Wadajir ee magaalada Baydhabo, iyadoo meelaha la beegsaday ku dhawyihiin xarunta taliska 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weeraradan ayaa dadka ku waxyeelloobay, waxaa kamid ah qos kamid ah 12 ruux, waxaana dhintay saddex kamid ah, halka ay bad-baadeen 3 ruux inta kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray.

Maamulka Koonfur Galbeed ilaa hadda kama hadlin dhacdadan iyadoo aysan jirin cid sheegatay mas'uuliyadda duqaymaha Baydhabo, balse baraha taageera kooxda Shabaab ayaa saaka lagu daabacay in duqaymahaasi lala eegtay xarumaha muhiimka ah ee maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamada waddanka Ethiopia ee qaybta ka ah AMISOM.

Ciidamada dowlada federaalka kuwa aamulka  Koonfur Galbeed iyo ciidamada AMISOM ayaa saakay howlgalo ka bilaabay goobihii Hoobiyaasha laga soo riday ee magaalada Baydhabo.

Sidoo kale duleedka magalada Baydhabo ayaa waxaa ku baxay ciidamo baadi goobaya kuwii ka dambeyay Hoobiyaasha lagu weeraray xalay magaalada.

Weeraradan ayaa kusoo beegmay xilli gabo gabo ku dhawdahay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM