Aabaha dhalay Col. Shuute oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa caawa fiidkii magaalada Muqdisho ku toogtay Cali Nuur Shuute oo ah Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka dowladda Federaalka Soomaaliya Col. Xasan Cali Nuur Shuute.

Dilka ayaa ka dhacay guriga Cali Nuur uu ka daganaa degmada Dharkaynley ee magaalada Muqdisho xilli uu doonayay inuu u hoydo.

Wararka dilkaas ku saabsan ayaa sheegaya in dablaydii dilka gaysatay ay ka baxsatay goobta kahor inta aysan soo gaarin halkaas ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Cali Nuur Shuute, iyagoo barahooda internet-ka ku baahiyay in arrintan ay tahay mid ka dhalatay xukunnada uu Col. Xasan Cali Nuur uu ku rido mallayshiyaadka katirsan ururkaas ee dowladdu gacanta ku dhigto.

Qoraal ay baahiyeen ayay ku sheegeen in Cornelku uu dhowr jeer kasoo muuqday xukuno kala duwan isagoo toogasho iyo xabsiba ku xukumay mintidiin katirsan ururkaas.

Dilkan ayaa kusoo beegmay xilli shalay la bilaabay dhageysiga eedaha loo haysto xubno lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen qaraxii 14-kii bishii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxaana dilkan uu yimid 24 saac kadib markii dil caynkan ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir loogu gaystay Col. Max’med Xasan oo kamid ahaa ciidamada Milatariga dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM