Aabihii ismiidaamin baa galaaftay halka isaga lagu dilay weerar toos ah

Image
Yoonis Xasan Sabriye ayaa kamid ahaa labo sarkaal op lagu dilay weerarkii kooxda AS ay ku qaadey Ceeldheer shalay.

MUQDISHO, Soomaaliya — Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ka mid ah askarta dowladda ee lagu dilay weerarkii Ceel-dheer, sida ilo wareedyo badan ay sheegeen.

Ilo-wareedyo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa magacyadooda ku sheegay Korneyl Yoonis Xasan Sabriye iyo Korneyl Cabdulle (Weli lama xaqiijin darajadooda).

Aaabaha Sabriye, oo ahaa la taliyaha dhanka sharciga ee duqii hore ee Migadisgu, ayaa lagu dilay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho dabayaaqadii July 2019 kaas oo galaaftay nolosha duqii magaalada Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.

Dhanka kale, Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa degaanka ay si buuxda gacanta ugu haayaan degaanka Ceeldheer.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ugu yaraan labo xero ku qarxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay weerar ay ciidamada lugta ku qaadeen abaare 4-tii subaxnimo ee xilliga dalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah.  Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadka uu soo gaaray khasaare xooggan, balse ma aysan sheegin tiradooda rasmiga ah.

Kooxda al-Shabaab ee dhinacooda ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay dileen 59-askari iyo dagaalyahano.

Al-Shabaab ayaa dhanka telegram-ka ku daabacday sawiro la sheegay in ay ku jiraan dagaalyahanadooda oo ku sugan ugu yaraan hal xero oo ay kooxdu ku andacooneyso in dagaalyahannadooda ay "la wareegeen".

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in isgaarsiintii magaalada dib loo soo celiyay, waxaana ay u hambalyeeyeen ciidanka sida ay isaga caabiyeen weerarka maleeshiyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM