Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe oo wadahadalo ku yeeshay Muqdisho

Image
Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Jubaland uu Muqdisho kula kulmay safiirada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Jubbaland, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaar kamida gobolada dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa kula dardaaramay Madaxweynaha Jubbaland in dadka ku dhaqan goobaha laga cabsi qabo la gaarsiiyo digniino, isla-markaana xaaladooda laga warhaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

Wadahadalada labada mas'uul ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Jubaland uu Muqdisho kula kulmay safiirada Imaaraadka iyo Sacuudiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM