Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo shiray xilli ay xiisad siyaasadeed jirto

Image
Kulankan ayaa yimid iyadda oo uu kulamada Aqalka Sare hakad ugu jiraan maqnaanshiyaha xubnaha Koonfur Galbeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana ay ka wada hadleen shaqada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada Guddoomiye ayaa isla soo hadalqaaday xoojinta iyo dardargelinta wada shaqeynta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa aqal iyo ka wada shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM