Abiy Axmed iyo Afwerki oo kusoo wajahan Muqdisho [Ujeedka oo la ogaadey]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wufuud culus oo ka socota dalalka deriska, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea ayaa kusoo wajahan magaalada Muqdisho, xilli Farmaajo uu wajahayo mooshin la doonayo in isaga xilka looga qaadey, oo 92 Xildlhibaan saxiixeen.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu ka helayo Villa Somalia ayaa sheegay in ujeedka socdaalka Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki uu la xiriiro ka qeybgalka shirka 3-aad ee Isbaheysiga saddex geesoodka, oo ku midoobey Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Amaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu daadiyay wadooyinka ciidamo dheeraad ah, oo Isgoysyada ku baaraya gaadiidka raaxadda, waxaana suurta-gal ah in la xiro jidada, maadaama ay madax heerkoodu sareeyo ay imaanayaan.

Farmaajo, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki oo xiriirkooda sameysmay wixii ka dambeeyay July 2018 ayaa waxa shirkoodii kan ka horeeyay ku yeesheen Bahar-Dar, Itoobiya, kaasoo lagu go'aamiyay in kulanka xiga Muqdisho lagu qabto December.

Shirkan saddex xagalka ah, ayaa kusoo beegmaya iyadoo Farmaajo uu ka yaallo Gollaha Shacabka Mooshin xilka-qaadis ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu heshiisyo qarsoodi ah la galay Itoobiya iyo Eritrea iyo ku xad-gudubka awooda Madaxweynaha.

Villa Somalia ayaanan Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed usoo bandhigin heshiisyadda uu Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki la galay, kuwaasoo warbaahinta ku sheegtay iskaashi dhaqaale iyo is-dhex-gal ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM