Abiy Axmed oo mar kale kulan-siinaya Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa qorshuhu yahay in ay Jabuuti ku yeeshaan shir uu soo qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, sidda uu ogaadey bogga Garowe Online.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu waddaa in ay gaaraan caasimadda Jabuuti, iyagoo kala hogaaminaya laba wafdi oo ka kala dhoofaya Muqdisho iyo Hargeysa.

Abiy Axmed iyo wafdi uu horkacyo ayna qayb ka yihiin Wasiirkiisa Maaliyadda, Axmed Shide, iyo afhayeenka Aqalka Sarre ee Itoobiya, Aadan Faarax Ibraahim ayaa la filayaa in ay ku biiraan madaxdaas.

Sidda uu fahansan yahay warsidaha GO, wafdiga Itoobiya ka imaanaya kuma jiro Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar [Cumey], safiirka Soomaaliya ee Ethiopia, horeyna u soo noqdey madaxweyne ku xigeenka Puntland kana soo jeeda gobolka Sool.

Shir-madaxeedkan la qorsheeyay in uu qabsoomo maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay 14-ka June, sanadka 2020 oo aan la ogeyn ajendayaasha looga wada hadli doono waxaa korjoogto ka ah Mareykanka.

Sidda ay xogta muujineyso, ujeedada kulankaas waa in meesha laga saaro cadaadiska Farmaajo ka heysta doorashooyinka soo aadan, taas oo ah wax uu Abiy Axmed ka shaqeynayey bilooyinkii lasoo dhaafay.

Macluumaadka laga helayo illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale daaha ka rogaya in shirka lagu qarinayo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya.

Kaalinta Washington ayaa soo ifbaxeysa xilli safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay dhowaan ku baaqdey shir ay dowladda iyo maamulada ka yeeshaan is-mari-waaga ka taagan arrimo ay doorashada kamid tahay.

Maadaama uu shirkaas wali qabsoomin isla markaana aysan wali ka jawaabin dowladda, doorka Mareykanka ee shirka Jabuuti ayaa la sheegay inuu u muuqanayo "mid sumcad loogu sameynayo Farmaajo".

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamota, ayaa lagu eedeeyay in tan iyo markii uu xafiiska yimid uu u jaranjeero dhanka siyaasadda dowladda haatan jirta.

Downlad Goboleedyada iyo xisbiyadda siyaasadeed oo ka digay muddo kororsi ay sameystaan madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ayaa dalbaday wada-xaajoodyo laga galo doorashada si loo helo hab la isla ogol-yahay.

Bishii Feb, 2020 ayay ahayd markii Farmaajo iyo Biixi ay ku kulmeen xafiiska Abiy Axmed ee Addis Ababa; is-araggaas oo qaatay 40 daqiiqo waxay "isla meel-dhigeen" dib u bilaabada wadahadaladda.

Shirkaas kadib, waxaa baaqdey socdaal la qorsheeyay in Farmaajo iyo Abiy Axmed oo wadda socda ay ku tagaan Hargeysa, waxaana diidmadda arrintaas la xiriirta si shaac-baxsan ugu dhawaaqay Muuse Biixi.

Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa horey uga digtay in qaramada deriska ay kasoo dhex-muuqdaan wadahadalka dowladda federaalka iyo Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM