Abshir Bukhaari oo Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay dib-u-doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Axmed Madoobe ugu hambalyeeyay in dib loogu doortay madaxweynaha Jubbaland.

"Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweyne Axmad Maxamed Islaan "Madobe" oo maanta mar labaad loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland," ayuu yiri.

Abshir Bukhaari ayaa noqonaya mas’uulkii ugu sareeyay ee ka tirsan xukuumadda Muqdisho oo taageero u muujiya doorashadda dowlad goboleedkaasi oo maanta ka qabsoontay magaalada Kismaayo.

"Waxaana u rajeynayaa in mudadiisa xilhaynta uu ku guuleysto waajibaadkiisa dastuuriga ah. Soomaaliya," ayuu hadalkiisa ku raaciyey qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Axmed Maxamed Islaam, oo 56-sano jir ah, ayaa ku guuleystay wareega koowaad ee coddeynta isaga oo helay codad gaaraya 56, waxaana murashaxii kusoo dhowaa uu helay 17 cod.

Kadib dhaarintiisa, madaxweyne Axmed Madoobe ayaa shaaciyey in uu fulin doono dhamaan qodobadii uu ku balanqaadey hadal-jeedintiisa dib u doorashada oo uu u mariyey baarlamaanka.

Madaxweynaha dib loo doortay ayaa waxaa horyaala shaqooyin dhowr ah oo u baahan wax ka qabasho iyo dhameystir, kuwaasi oo ay kamid yihiin xorreynta degaano iyo gulufka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM