Abwaan Cali Sugulle oo lagu aasay magalada Hargeysa [sawirro]

Image
Image
Image
Image

Hargeysa: 14 January, 2016(GO)-Waxa maanta xabaalaha Naasa hablood ee magaalada Hargeysa lagu aasay abwaan Cali Sugulle Cigaal(dun-carbeed)oo laba maalmood ka hor ku geeriyooday dalka imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno katirsan xukuumaddiisa iyo golayaasha kala duwan ee dawladda, hoggaanka Axsaabta Mucaaridka, abwaanno, fannaaniin, ehelkii, saaxiibadii marxuumka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, ayaa aaska Abwaanka ka qayb galay.

Hadallo kala duwan oo madaxda iyo dadka kale ee goobta tagay jeediyeen waxay ku aammaaneen shakhsiyadda ALLAHA u naxariistee Abwaan Sugulle, waxayna isku raaceen inuu ahaa qof aragti dheer oo meel fog wax ka arka.

Ugu dambayntii marxuumka ayaa lagu riday hoygiisa aakhiro, waxana duco aan loo kala harin u akhriyey bulshadii aaska joogtay, iyagoo tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Marxuum abwaan Cali Sugulle, ayaa kamid ahaa abwaannada geyiga soomaalida ugu magaca dheere, waxana uu tiriyey heeso badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM