Afar Mushax oo ka hartay tartanka doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar musharrax oo u tartamayay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Saacadii dambe ee u diyaargarowga ku dhawaaqay in ay isaga hareen tartanka, taasoo tirada musharraxiinta ka dhigeysa 35 murashax.

Tartanka ayaa waxaa isku diiwaangaliyay 39 tartame, waana tiradii ugu badnayd ee taariikhda Soomaaliya.

Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug, iyo C/naasir Cabdille Maxamed, oo ah nin ku cusub, ayaa ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen tartanka si ay u taageeraan Musharaxnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Daahir Maxamuud Geelle, wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya ayaa goordambe oo sabtidii ah ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taas oo maanta ka dhacaysa teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya,” ayuu Daahir Geelle ku yiri qoraal uu soo saaray.

Musharax Madaxwayne Maxamed Siiriin oo ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha 10aad JFS ayaa isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Kalfadhiga wadajirka ah ee Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad ah ay u codeeyaan madaxweynaha afarta sano ee soo socota iyada oo ay jiraan siyaasiyiin is adag ugu loolami doona tartankaan oo xiisa gaar ah leh.

Qofkii ku guulaysta doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee maalinta ayaa qaadan doono boors ay ku buuxaan dhibaatooyin badan oo jiraan amni darro iyo musuqmaasuq.

Doorashadan oo ah mid dadban ka dib markii Farmaajo ku guul-darraysatay in uu qabti doorasho guud, ayaa waxaa u tartami doona 35 murashax oo ay ku jirto hal qof oo dumar ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Fawziya Aadan Yuusuf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM