Afey "Waa in la dhisaa maamulka Hiiran iyo Shabeellaha dhexe"

Image

MUQDISHU, Somalia- Urur goboleedka IGAD oo horay dowladda Somalia ugu xilsaartay dhismaha maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, balse hirgalin weyday  ayaa ku baaqday in loo istaago sidii maamulkaasi looga qayb galin lahaa doorashada dadban ee ka dhacaysa waddanka dabayaaqada sannadkan 2016.

Wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa xukuumadda Somalia ka codsaday inay dhammaystirto nidaamka Federaalka dalka isagoo ku baaqay la dhameeyo arrimaha taagan.

Maamul ay yeeshaan Jowhar iyo Baladweyne ayuu sheegay inay ka qayb qaadanayso sidii loo heli lahaa isku xirnaan iyo isu soo dhawaansho ka dhex dhacda dadka dagan labada gobol.

“Waxa ay nala tahay in la soo gaaray, waqtigii la dhameystiri lahaa dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaan soo jeedineynaa in la da dajiyo dhismaha maamulkaasi, maadaama iyagu kaliya ay ka harsanyihiin dhismaha nidaamka federaalka ah, waxaana uu caawinaya in la helo nabadgelyo iyo isu soo dhawaasho shacabka labada gobol,” Ayuu yiri Maxamed Cabdi Afeey.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in 03 bishan dib u furmi doono shirka maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, balse waxaa muuqata inaan xal laga gaarin kala aragti duwanaanta iyo walaaca laga muujiyay shirka gogoshiisu taallo Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM