Afhayeen: Inta la afduubay, dharka laga siibay, ayaa sawiro la iga qaaday [DAAWO]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Afhayeenkii maamulka Galmudug, Cabdullaahi Xaashi "Roob Da'ay", ayaa sheegay in Ciidamadda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya [NISA], ay ku afduubteen magaaladda Muqdisho.

Xariga Roob Da'ay, ma cadda sababta ka dambeysay, laakiin, isagoo markuu dib u helay xorriyadiisa Wareysi uu siiyay TV-ga Goobjoog kaga hadlay wixii ku dhacay iyo ujeedka laga lahaa xarigiisa.

Wuxuu sheegay in ciidamadda NISA ay ku qabteen afaafka xarunta Gollaha Shacabka 12:00 duhur-nimo, kadibna ay inta indhaha shaarkiisa uga xireen iyagoo ula dhaqaqey Guri, halkaasi oo ay ku jirdileen, sidoo kalena isagoo qaawan muuqaal ka duubay.

Afhayeenka Galmudug ayaa cod dheer ku sheegay sababta loo xiray ay tahay inuu baraha bulsho soo dhigo qoraal lagu dhaliilo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyo ciidamada amaanka. 

"Meel mugdi ah ayay i geeyeen, waxaa joogey dhowr nin oo kaamirooyin iyo Mobeylo haysta iyo dhowr nin oo qoryo wata, markii indhaha la iga furay ayaa la igu yiri soo adiga ma ahan ninka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha daba dhigtay, maanta adigay ku haystaa kawawaran?," ayuu yiri Afhayeenka.

Intaasi kadib, ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in lagu qasabay inuu dharka dhigo/bixiyo iyadoo qoryo lagu hayo kadibna sawirro laga qaadey isagoo qaawan, waxaana loo caga-jugleeyay in hadii uu qoraal ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ama uu uga hadlayo arinta Qalbi Dhagax ay iyaguna soo dhigayaan baraha bulshada sawirada ay ka qaadeen.

"Waxaa la igu yiri naftaad ilaalo, sumcadaad ilaasho, irrida ka bax, hadaad mar dambe afaaraheena iyo afaaraha dowladda soo gasho marka dambe noloshaada ayaad wayn doontaa," ayuu yiri Afhayeenka Galmudug.

Afhayeenka ayaa xusay in intan oo dhibaato ah looguu geestay magaca Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre, islamarkaana ficilka xad-gudubka ah ee lagula kacay uusan noqon doonin mid la isaga hara, oo sharciga la tiigsan doono.

"Waxa dhibaatadaan leygu geystay magaca dowladda, magaca Madaxweynaha, magaca Ra'iisul Wasaaraha, runtiina mana fileynin," ayuu hadalkiisa raaciyay Roob da'ay.

Cabdullaahi Xaashi, oo ah nin dhalinyaro ah kana mid ah mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ku dhiiraday inuu warbaahinta ka sheego tacadiga ay Ciidamada dowladda u geesteen, isagoo sheegay in hadii la dilo ama dhib kale ku dhaco isagoo jooga Muqdisho ay dowladda Federaalka mas'uul ka tahay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda ayaa ka hadlay falkan lagula kacay Afhayeenka Galmudug, kaasi oo uu ku tilmaamay dhaqan xumo midii ugu liidatay.

"Dadkii ficiladaan foosha xun ku dhaqmay madaxda qaranku waa in ay tilaabo deg deg ah ka qaadaan, sharcigana la horkeenaa hadii aysan iyagu dirsan oo raali aysan ka ahayn ficiladaan foosho xun," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka, gaar ahaan hay'adaha amniga oo ku saabsan eedeynta loo soo jeediyay ee ah in Ciidamada NISA si xun ula dhaqmeen Afhayeenka Galmudug.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA AFHAYEENKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM