Afhayeenka Golaha Shacabka oo casuumaad u fidiyey dhigiisa Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa waxa uu casuumaad u fidiyey dhigiisa Turkiga kadib kulan ay yeesheen.

Kulanka Mursal iyo Mustafa Şentop oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka socda labadda dowladood ee uu ka dhaxeeyo xiriirka fiican ayaa wuxuu ka qabsoomay magaaladda Ankara.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Mursal oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey warsidaha Garowe Online ayaa lagu shaaciyey in dhinacyada ay kawada xaajoodeen iskaashi labada baarlamaan dhexmara.

Guddiga baarlamaaniga ah ee labadda wadan ayaa sidoo kale waxay is dhaafsan doonan waayo aragnimadda dhanka khibradaha ah, iyadda oo ay jiri doonan kulamo wadajir ah oo ay yeeshaan.

Bayaanka ayaa waxaa kalsooni looga muujiyey in socdaalka Mustafa uu "ku hirgeli doono sida ugu weyn ugu macquulsan".

"Waxay isla meel-dhigeen labadda afhayeen in ay iska kaashaadaan labadda baarlamaan tababarida shaqaalaha iyo siminaaro la siinayo Xildhibaanadda," ayuu xafiiska Mursal ku yiri qoraal uu GO u soo diray.

Turkiga oo kamid ah dalalka cilaaqaadka wanaagsan la leh dowladda madaxwyne Farmaajo ayaa Soomaaliya ka taageerta dhanka dhismaha ciidanka, kabista Miisaaniyadda iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM