Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar qarsoodi ah ku tagey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha CIA-da William J. Burns ayaa booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho Khamiistii, taasoo muujineysa in Mareykanka uu aad u daneynaya arrimaha dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, xilli ay kordhayaan xiisadaha diblomaasi.

Intii uu ku guda jiray kulanka uu la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo agaasimaha NISA Sanbaloolshe, Burns waxa uu diiradda saaray horumarinta wadaagga sirdoonka, dadaallada la dagaalanka argagixisada, iyo in laga gudbo xiisadaha ka dhashay heshiiskii badda ee Itoobiya ay dhawaan la gashay Somaliland.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay bishii Oktoobar markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiray shir madaxeedkii Asmara uu kula yeeshay madaxda Masar iyo Ereteriya, iyagoo sameeyay isbahaysi amni oo looga dan leeyahay in lagu xakameeyo saamaynta gobolka ee Itoobiya, taasoo keeni karta colaad ballaaran.

Waa safarkii labaad uu Burns ku tago Muqdisho sanadkan, iyadoo horay u yimid bishii January 2024. Booqashooyinkiisa waxa ay hoosta ka xariiqeen dadaallada Mareykanka iyo Soomaaliya ee socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Burns waxaa lagu wadaa inuu booqdo Addis Ababa, taasoo muujineysa dadaalka Mareykanka uu ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo xulafada Itoobiya ee gobolka Geeska Afrika iyo khilaafaadka gobolka.

Mareykanka, ayaa caado ahaan diiradda saaraya la dagaalanka argagixisada Soomaaliya, waxa uu wajahayaa caqabado kala duwan oo ka imaanaya xulafada cusub ee Soomaaliya oo ah Masar, kuwaas oo keeni kara xasilooni darro hor leh iyo xoojinta dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM