Agaasimaha sirdoonka Soomaaliya oo u socdaalay Imaaraadka Carabta

Image
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu xumaadey muddooyinkii ugu dambeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah ku aaday Imaaraadka Carabta.

Sidda ay wararku sheegayaan, Sanbaloolshe ayaa lagu waddaa inuu wadahadalo la yeeshay qaar kamid ah madaxda mukhaabaraadka waddankan ku yaalla Khaliijka.

Sanbaloolshe oo badalay Mahad Maxamed Salaad ku dhowaad labood kahor ayaa waxa uu kahor safarkiisa ku sugnaa gobolka Hiiraan halkaas oo uu ka waday xalinta tabashooyinka reerkiisa.

Socdaalka Sanbaloolshe ee Imaaraadka ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay, isla markaana Imaaraadku joojiyey mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii xerada Jeneraal Gordan ee Muqdisho lagu dilay Saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howlgalka tababarka ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mungaab: Musuqmaasuq baahsan ayaa curyaamiyay Maamulka Gobolka Banaadir

Arrintan ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka shaqaalaha dowladda hoose.

  • Soomaliya

    11-08-2025

  • 06:39AM

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM