Agaasimihii Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shaqada laga Eryay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uul katirsanaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkiisa ku waayay qoraal uu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, oo uu taageero ugu muujiyay taageeray Israel.

C/llaahi Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiiska Wasiirka ayaa sheegay inuu taageersan yahay in Soomaaliya xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Israel, oo u arko in aysan cidna dhaawaceynin, balse horumarineyso nabadda iyo iskaashiga.

Sidoo kale, C/llaahi Dool ayaa ku xusay qoraalka in Shacabka Reer Falastiin ay yihiin dad khasaaray, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool magaaladda Gaza.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dan ugu jirto inay soo dhaweyso Israel.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ku sheegay qoraal uu Twitter-ka soo dhigay in mas'uul taageersan Israel uusan u shaqeyn karin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dhawaan shaacisay mowqifkeeda ku aadan buuralayda Goolan ee Syria oo Trump u sharciyeeyay Israel, balse ay go'aankaasi kasoo horjeesteen dowladaha ku jira Jaamacada Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad ayaa ugu yeeray Muqdisho wakiilkii Soomaaliya u fadhisay Gollaha Xuquuqul insaanka Qaramada Midoobey ee Geneva, Faadumo C/llaahi kadib markii ay ka aamustay go'aan lagu taageeray Syria.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dagaal Beeleed khasaare dhashay oo ka dhacay Degmada Jalalaqsi iyo Maamulka Hirshabelle oo ku baxay

Wuxuu si kulul u cambaareeyay gubista guryaha iyo baahinta sawirrada rabshadaha wata ee lagu baahinayo baraha bulshada.

  • Soomaliya

    20-06-2026

  • 09:31AM

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM