Ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab oo weerar dhanka cirka ah lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa Jimcadda maanta ah wuxuu shaaciyey in 21 ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-Shabaab lagu laayay laba duqeyn.

Weerarada dhanka cirka ah oo uu kaabayey howlgalka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo magaca AMISOM ayaa waxay ka dhaceen gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalka koowaad lagu beegsaday saldhig ay kooxdu ku lahayd degaanka Mubaarak, halka midka lagu ekeeyay xero ku taala Janaale.

Idaacadda ku hadasha afka ciidamadda ayaa tabineysa in xubnaha gulufka lagu khaarijiyey ay ku jiraan ajaaniib, wallow aysan shaacin jinsiyadooda.

"Dhaawaca waa 37 maleyshiyaad," ayay warbaahinta kasoo xigatay saraakaal ku sugan gobolka oo aanan lasoo bandhigin magaciisa. Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida wali kama hadlin sheegashadan.

Janaale, oo ah magaalo caan ku ah beeraha, ayaa 80 KM waxay dhanka Koonfur ka xigtaa magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Howlgaladan milatari ee cusub oo ay kaabayaan awooda dhulka iyo cirka ah ayaa gacanta dowladda dib loogu soo celiyay tuulada muhiimka ah ee Awdhgeegle.

Kadib weerar is-miidaamin oo Arbacadii ay Al-Shabaab ku qaadey saldhig ku yaala Awdheegle ayaa galaaftay sagaal, xili ay ku dhaawacmeen 13 kale.

Soomaaliya, dal dhaca Geeska Afrika, dhanka Galbeed xuduud kala leh Itoobiya, waqooyanna uu ka xigo Gacanka Caddan, ayaa sanadihii wehel u noqday u dambe "weeraro argagixiso".

Bishii October 2017-kii, boqolaal ayaa naf-wayday kadib qaraxyo loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho, dhacdadaasi oo noqday midkii ugu dhimashada badnaa taariikhda casriga ee dalka, illaa iyo hadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM