Ajaaniibta ku sugan Soomaaliya oo amarro la dul-dhigay [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer-illaalinta Soomaaliya ayaa ku amartay ajaaniibta ku nool dalka guud ahaantiisa in aanu ka bixin iyagoo aanan ka haysan Hay'adda socdaalka iyo Jinsiyadaha warqad ogolaansho ah.

Axmed Cli Daahir, Xeer-illaaliyaha guud ee dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed uu saameynayo amarkani, isagoo ku baaqay inay u hogaan samaan.

"Hay'adda socdaalka waa mid muhiim u ah illaalinta xuduudadaha dalka. Ajaaniibta iyo dadka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in aysan ka bixin iyaga oo aanan haysan ogolaansho," ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

Xeer Ilaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ma uusan soo hadal-qaadin hadii amarkani uu saameynayo diblumaasiyiinta ku sugan xerada Xalane, maadaama ay kamid yihiin shisheeyaha dalka ku dhaqan.

Go'aanadda kasoo baxa hay'addaha kala duwan ee dowlada Soomaaliya ayaanan inta badan u fulin sidii loo baahnaa tan iyo burburkii dalka, taasi oo ay u wacan tahay inaanu haysan awood ay ku fuliso.

Hadalka xeer-illaaliyaha ayaa imaanaya xili hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ay wajaheyso caqabado ku aadan inay qaar kamid ah dalalka caalamka ku qanciso inay aqoonsadaan Passport-ka dalka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa haatan dhibaato ku qaba marka ay timaado inay dalka uga dhoofaan Passport-ka dalka, taasi oo ay ugu wacan tahay in qaar kamid ah dalalka caalamk aysan aqoonsaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM