Ajendaha kulanka soo socda ee Golaha Shacabka oo laga doodey

Image
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa gudoomiyey shirkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga joogtada ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa sideedaad ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka ayaa guddiga joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha golaha shacabka gaar ahaan shaqooyinkii ugu dambeeyay ee qabsoomay, howlaha baaxada leh ee golaha horyaala iyo sido ay muhiim u tahay in goluhu dardargeliyo waajibaadka qaran ee ay Shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Intaasi ka dib xubnaha guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa ka dooday ajendayasha golaha ee todobaadka soo socda iyo ay sida horutebinta u kala leeyihiin, waxa ay ugu dameyn isku raaceen in la xoojiyo shaqada golaha shacabka si uu goluhu uga howlgalo ka shaqeynta shuruucda muhiimka u ah horumarka dowladnimo ee Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM