Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo laga shirayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtadda ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in uu maanta kulan ku yeelanayo xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Xubnaha guddiga oo saacadihii lasoo dhaafay fariimo loogu diray telefoonadooda gacanta ayaa lagu wargeliyey in ay soo xaadirkaan kulanka.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddoonka Aqalka Hoose ayaa waxaa lagu caddeeyay in ajendaha shirkaas lagu lafa guri doono.

"Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo," ayaa la yiri.

Shirkan oo dhamaadkiisa laga soo saarayo war-saxaafadeed ayaa la filayaa in lagu dejiyo qaababka ay u kala horeyn doonan ajendeyaasha kalfadhigan oo ah midka ugu dambeeya uu yeelanayo golaha.

Ajendayaasha aadka isha loogu hayo isla markaana la filayo in labada aqal ka doodaan waxaa kamid ah doorashooyinka, dastuurka, dhismaha golaha adeega garsoorka iyo qaar kale oo quseeya coddeynta.

Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in golaha uusan ku guuleysan karin meelmarinta dhamaan ajendayaasha horyaala, iyagoo ku doodaya ahmiyadda ay leeyihiin iyo sidda ay ugu baahan yihiin "doodo furan".

Guddoonka iyo baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in uu ku dhex-milay laanta fulinta isla markaana badi xubnaha sharci-dejinta ay ka tirsan yihiin xukuumadda, taas oo laashay isla xisaabtanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM