Al-Shabaab la wareegtay Ceel-waaq iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii Talaadda ahayd waxay qabsadeen magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, ooku dhaw xuduuda Kenya, sida ay Garowe Online u sheegeen dadka deegaan.

Qabsashada Ceel-waaq ayaa ka dambeysay markii ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxeen degmada, iyadoo ka bixitaankooda u sahashay Al-Shabaab inay si fudud kula wareegto magaalada gacan ku heynteeda.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ayaa u cararay dhanka Xuduudka Kenya, iyagoo ka baqay in lagu laayo weerarka Al-Shabaab ay ku soo qaadey Ceel-Waaq.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal oo taliska ciidanka dowlada iyo kuwa Jubbaland oo kasoo baxay, oo ku saabsan la wareegista Ceel-waaq, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.

Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ma joogaan ciidamo tiro badan oo dowlada ah, taasoo sahlaysa in mar walba ay Al-Shabaab kusoo dhiirato inay soo weerarto xilli kasta oo ay doonayso.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ay Al-Shabaab la wareegeen gacanta ku haynta Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hor inta aysan dib uga bixin, markaasoo ciidamada dowlada dib ula wareegeen.

Waxay kaloo Al-Shabaab weerartay degmada Baardheere, oo katirsan isla Gedo, waxaana ka dhacay magaalada dagaal kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 9 mintidiin ah, iyadoo labo nolosha lagu qabtey, sida ay Saraakiishu sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM