Al-Shabaab oo beenisay inuu "geeryooday" hogaamiyaheeda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo si wayn leysla dhex-marayey saacadihii udambeeyay inuu geeryooday Hogamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye oo loo yaqaan Abu Cubeyda, ayaa waxaa beenisay Kooxdaan.

Abuu Cubeyda ayaa wuxuu kala wareegay xilka ugu sareeya Shabaab, hogaamiyihii la khaarijiyay ee Axmed Cabdi Godane sanadkii 2014-tii, kaasoo lagu dilay duqayn dhanka Cirka ah.

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada xooga dalka, ayaa sheegay inuu xanuun dhanka Kilyaha ah uu udhintay Ninka ugu sareeya Shabaab.

Balse, Bayaan ay kooxda kasoo saartay wararkaan leysla dhex-marayay ayaa waxay kaloo ku beenisay in Abuu Cubeyda uu sidoo kale ku jiro xaalad liidata oo dhanka Nolasha ama caafimaadkiisa.

Waxay ku tilmaamtay kooxda wararkaas, "kuwa aan lahayn sal iyo baar, iyagoona ku adkeysatay in hogaamiyaheeda Abuu Cubeyda uu nool yahay, islamarkaana uu caafimaad qabo".

Waa markii ugu horeysay oo ay Kooxda Al-Shabaab kasoo jawaabto warar ay baahiyeen warbaahinta ku hadasha afka dowladda, iyo sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku saabsan iyaga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM