Al-Shabaab oo deegaan kala wareegtay Galmudug

Image

BAXDO, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa kala wareegay Ciidamada maamulka Galmudug deegaan muhiim ah oo ku yaalla gobolka Galgaduud kadib weerar xooggan oo halkaasi ay ku qaadeen.

Qabsashada Baxdo waxay ka dambeysay kadib markii Ciidamada Galmudug ay halkaas isaga hayaameen iyadoo aysan sameynin wax iska caabin ah, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay inay jirto baqdin ku aadan in Ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa dowladda ay weerar rogaal-celis ah kusoo qaadeen deegaanka Baxdo oo ku dhaw Cadaado.

Wali ma cadda sababta dhabta ah ee keentay marka hore in ciidamada ay isaga baxaan deegaanka, laakiin marka ay dhacdo arrimahaan oo kale, waxay sheegaan Taliska ciidanka xooga inay tahay xaalad ciidan, ayna dib uqabsan doonaa.

Laakiin, Salaad Cismaan oo ah Taliyaha amniga Baxdo ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay dib uga baxeen deegaanka isla xalay kadib markii ay mudo 30 daqiiqadooda ay gacanta ku hayeen.

Salaad ayaa intaasi ku daray in Baxdo ay markii hore joogeen tiro yar oo Askar Boolis ah, taasi oo u fududeysay Al Shabaab inay dib ula wareegaan deegaanka.

Al-Shabaab dhankooda inta badan deegaankada aysan cudad ciidan ku lahayn, kuma sii nagadaan, waxaana la sheegayaa inay dhici karto inay ka baxaan deegaanka, maadaama magaalooyinka ku dhadhow ay joogaan Ciidanka dowladda.

Deegaanka Baxdo ayaa ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku jiray gacanta Ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana la wareegistiisa ay noqonaysaa mid dhabar-jab ku ah Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM