Al-Shabaab oo Dhagax ku dishay Haweenay hal mar 11 nin guursatay

Image

SABLAALE, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah meel fagaaro ah oo ku taalla degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dishay Haweenay ay ku eedeysay inay hal mar isku guursatay 11 nin.

Haweeenay oo lagu magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame, oo ahayd 30 jir dhashay 8 caruur ah ayaa lagu dilay Dhagax, waxaana usoo daawasho tagey dad badan oo shacab ah.

Qaadiga Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Shukri ay wada guursatay 11 nin, kuwaasi oo mid uu ka geeriyooday, midna uu furay, iyadoo markii ugu dambaysay ay qabeen 9 nin.

Ma jirin qareenno u doodey Shukri intii ay socotay maxkamadeynteeda, waxaana xukunka ku riday Maxkamadda Al Shabaab ee degmada Sablaale, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku ogaatey kiiska Gabadha ee ah inay isku guursatay 11-ka kadib markii ay isku qabsadeen labo nin oo raggaasi kamid ah, iyadoo markii dambe ay soo baxeen kuwa kale oo sheegayay inay iyaguna u dhaxday.

Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacidda, ayaa inta badan dilal ku fulisa dadka ay ku eedayso falalka xatooyada, basaasnimada iyo macsiyadda [Zinada].

Bishii October 2017, Al Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Saakow ku dishay Xabiibo Cali Isxaaqa oo ay ku eedaysay inay labo nin isku guursatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga digay in Ciidanka Qaranka u adeegsado ujeedo siyaasadeed

Bayaan kasoo baxay NCC ayaa taageero buuxda loogu muujiyay ciidamada xoogga dalka ee la dagaallamaya Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 08:57AM

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM