Al-Shabaab oo duqayn "looga dilay" 60 dagaalame

Image

XARARDHEERE - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Talaado ah sheegay in duqeyn diyaaradahooda ka fuliyeen meel ku dhow degmada Xarardheere 12-kii bishaan October ay ku dileen 60 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab.

Weerarkaan cirka ah, oo ah kii 24aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkaan gudahiisa, ayaa noqonaya midkii ugu dhimashada badnaa tan iyo bishii November ee 2017, xilligaasi oo duqeyn lagu khaarijiyay 100 dagaalyahan.

AFRICOM ma aysan xusin in duqaynta xubnaha lagu dilay ay ku jiraan saraakiil sare, balse, Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in lala beegsaday Labo gaari oo mid Cabdi Bile yahay, halka kan kale uu ahaa nooca raaxadda ah.

"Waxaan illaa iyo haatan xaqiijin karnaa in duqaynta aysan dhimasho ama dhaawac kasoo gaarin shacabka," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM oo jawaab u noqon kara, hadii ay soo baxaan warar sheegaya inay waxyeelo shacab gaysan karto.

Duqayntaan ayaa kusoo aadaysa xili shalay oo Isniin ahayd uu sheegay Taliska AFRICOM in duqeyn is-difaacid ah oo uu ka fuliyey Tuulada Araara ee gobolka Jubbaada Hoose lagu dilay Afar kamid ahaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeedka ayaa wacad loogu maray inay beegsan doonan goobaha ay Al-Shabab ka taliso ee ku yaalla goboladda dalka, gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Mareykanka ayaa balanqaaday inuu xoojin doono weerarada, uu ku caawinyo ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Tan iyo 2017, labo Askari ayaa Mareykanka looga dilay weeraro kala duwan oo lagu qaadey ciidamadiisa Bariire iyo Sunguuni, oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM