Al-Shabaab oo gubtey Tuulo ku taalla Somalia, kana afduubtay 30 qof

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa gubtey Tuulo lagu magacaabo Ceel-Muluq, oo ku dhaw degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Koonfurta dalka Soomaaliya.

Wararka uu Warsidaha Garowe Online ka helayo gobolka ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe weerar ku qaadeen Tuuladda, kadibna dab qabad-siiyay guryo ay dad shacab reer miyi ah ku noolaa.

Waxay xoogaga Al Shabaab ay qarax ku burburiyeen Ceel-biyood ku yaalla Tuuladda, oo dadka iyo duunyada ay biyaha ka cabi jireen, waxaana ay afduub u geysteen oo ay wateen ugu yaraan 30 qof, oo odayaasha degaanka ay ku jiraan.

Falkan oo dadka ku nool gobolka argagax geliyay ayaa ka dambeeyay markii Al Shabaab ay ku eedeysay dadka deganaa Tuuladda Ceel Muluq inay taageero siin jireen Malleeshiyada Macawiisleey, oo ah koox is-abaabushay oo dagaal kula jirta Al Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay gurmad ciidan u fidin waysay malleeshiyaadka degaanka ee Macawiisleey, oo mudo dagaal kula jira Al Shabaab, oo ah koox argagaxiso oo khatar badan ku hayso amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM