Al-Shabaab oo u goodisay Odayaal dhaqameed; mudo 45 cishana u qabatay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartey hanjabaad cusub oo ay u dirtay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Bayaan ku qoran Soomaali iyo Ingiriis, oo cinwaan looga dhigay "Baaq Towbad-keen" ayaa lagu sheegay in Odayaal dhaqameedka ay haystaan mudo 45 cisho inay iska diiwaan-geliyaan degaanada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Nabadoonada fariinta ku socota laga billaabo maanta, 15-ka July la farayo inay si cad u iclaamiyaan "towbad-keenka", si loo nabadgeliyo, islamarkaana uga badbaadaan dilalka.

Sida ku xusan qoraalka, Odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ka qeyb-qaataan dhisida maamullada dalka iyo soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sanadka soo socda 2020.

Baaqanka ayaa imaanaya iyadoo Al-Shabaab ay labadii sano ee lasoo dhaafay ay ku dishay odayaal badan meelo kala duwan oo dalka ah, kuwaasoo kamid ahaa ergadii soo xushay Xildhibaanada BFS 2016/2017.

Warar ayaa sheegaya in odayaal kamid ah kuwa gobolka Mudug ay dhawaan tageen degaanada Al-Shabaab maamusho, kadib markii loo hanjabey, waxayna qaateen amarka ah inay is diiwaan geliyaan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada oo ku aadan hanjabaad Al-Shabaab usoo dirtay Odayaasha dhaqanka, maadaama ay mas'uul ka yihiin amnigooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM