Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidanka

Image
Maleyshiyadda hubeysan ayaa u muuqata mid isku-dayaysa in ay curyaamiso qorsheyaasha lagu wiiqayo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay mid kalana waa uu ku dhaawacmay weerar dhabagal ah oo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku socdaalayey duleedka degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo bilaawday qarax loo dhigay kolanyada gaadiidka ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhexeysa degaannada Janaale iyo Buufo ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadka deegaanka ayaa Garowe Online u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa hubka cusub oo ay iswaydaarsadeen labada dhinac.

Dhanka kale, saraakiil caafimaad oo ku sugan degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online dhimashada iyo dhaawac askarta la soo gaarsiiyay isbitaal ku yaalla xarunta gobolka gobolka ee Marka.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan xaaladdu ay tahay mid deggan, waxaana ciidamada la weeraray ay sii wateen socdaalkooda, iyaga oo gaaray magaallo xeebeedka Marka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kaeoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Galinkii dambe ee Sabtidii Al Shabaab ayaa askar ku dishay weerar ay ku qaaday saldhig milatarigu ku leeyahay deegaanka Ambareesa ee duleedka degmada Baraawe.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gobolkaas oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM