Al-Shabab oo la wareegtay degaan ku yaala duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabab ayaa lagu soo waramayaa inay si buuxda ay ula wareegeen gacan ku haynta degaanka muhiimka ah ee Qalimow oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qabshadda Shabab ee Qalimow ay ka timid markii ay isaga hayaameen ciidamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo halkaas joogay maalmihii dambe.

Ma cadda sababta ka dambeysay bixitaanka ciidamadda, balse, inta badan waxay Saraakiisha ku macneeyaan talaabooyinkaan oo kale "xeelad ciidan", inkastoo aan la ogeyn inay tahay sababta ay u faarujiyeen Qalimow.

Degaanka Qalimow oo ah mid muhiim ah ayaa ku yaalla wadada isku xirta magaalada Jowhar, ee xarunta gobolka iyo degmada Balcad, taasoo ay adeegsadaan mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa HirShabeelle.

Qof kamid ah dadka degaanka oo u qariyay magaciisa sababo amaan ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online, in dagaalamiyaasha Al-Shabaab ay roondo ka sameeyeen gudaha iyo hareeraha tuuladda markii ay la wareegeen.

"Waxay isku kala qeybiyeen Labo. Koox waxay gaaf-gawareegayaan gudaha degaanka, halka kuwa kalena ay joogaan banaanka tuulada oo difaac ay ka galeen. Gaadiid dagaal iyo hub culus ayay wataeen," ayuu hadalkiisa raaciyay goobjoogaha.

Ma jiro mas'uul ka tirsan maamulka HirShabeelle, ama dowladda Federaalka oo ka hadlay warka ku aadan in Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta degaanka Qalimow, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degaanka Qalimow oo Waqooyi-bari uga beegan magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa bilooyinkii dambe marti-geliyay howlgalo iska soo horjeeda oo ay sameynayeen ciidamada dowladda iyo Al-Shabab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM