​Al Shabaab oo laga saaray qaybo kamid ah gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Wararka aan ka helayno deegaano katirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in deegaano dhawr ah lagaa saaray ururka Al Shabaab kadib howlgal si wadajir ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka Somalia iyo kuwa katirsan maamulkaasi.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah; Balaw, Keerow  Malaaq iyo kuwo kale oo ahaa meelaha ay muddo ku sugnaayeen ururkaasi.

Howlgalkan, ayaa la sheegay inuu yimi kadib markii shir isugu yimaadeen mas'uuliyiin katirsan maamulkaasi iyo guddi loo xilsaaray nabadgalyada gobolka Baay.

Khaasaaro kala duwan ayaa la sheegay in meelaha qaybtood ka dhasheen, balse jirto tiro rasmi ah oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Deegaanada qaar ciidamada ayaa si nabad-galyo ah kula wareegay, waxaana wararku sheegayaan in xaaladdu dagantahay, howlgalkana lagusoo gaba-gabeeyay  Goof-gaduud.

Xildhibaano katirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa booqday meelaha Al Shabaab laga saaray, waxayna ammaaneen ciidamada dowladda iyagoo dadka usoo jeediyay inay la shageeyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM