​Al Shabaab oo laga saaray qaybo kamid ah gobolka Baay

Image

BAYDHABO, Somalia- Wararka aan ka helayno deegaano katirsan gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in deegaano dhawr ah lagaa saaray ururka Al Shabaab kadib howlgal si wadajir ah u sameeyeen ciidamada xoogga dalka Somalia iyo kuwa katirsan maamulkaasi.

Deegaanada ay ciidamada la wareegeen ayaa waxaa kamid ah; Balaw, Keerow  Malaaq iyo kuwo kale oo ahaa meelaha ay muddo ku sugnaayeen ururkaasi.

Howlgalkan, ayaa la sheegay inuu yimi kadib markii shir isugu yimaadeen mas'uuliyiin katirsan maamulkaasi iyo guddi loo xilsaaray nabadgalyada gobolka Baay.

Khaasaaro kala duwan ayaa la sheegay in meelaha qaybtood ka dhasheen, balse jirto tiro rasmi ah oo warbaahinta loo soo bandhigay.

Deegaanada qaar ciidamada ayaa si nabad-galyo ah kula wareegay, waxaana wararku sheegayaan in xaaladdu dagantahay, howlgalkana lagusoo gaba-gabeeyay  Goof-gaduud.

Xildhibaano katirsan maamulka Koonfur Galbeed, ayaa booqday meelaha Al Shabaab laga saaray, waxayna ammaaneen ciidamada dowladda iyagoo dadka usoo jeediyay inay la shageeyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM