Al-Shabaab oo lagala wareegay deegaano muhiim ah

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaano muhiim ah kala wareegay Al-Sabaab, kadib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan, ee bartamaha dalka.

Taliyaha guutada 5aad ee ciidanka xooga dalka Korneyl Faarax Cali Waasuge ayaa xaqiijiyay la wareegida Tuulooyin dhowr ah oo ay kamid yihiin Moqokori iyo Xalfooleey.

Col Faarax ayaa tilmaamay in Ciidamada ay u suurta gashay inay gacan ku dhigaan goobahan kadib dagaal saacado qaatey oo Al Shabaab kula galeen Moqokori iyo Xalfooleey maalmihii lasoo dhaafay.

Ma uuan bixin Taliyaha faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalka iyo Khasaaraha ka dhashay, ee soo kala gaarey labada dhinac ee iska soo horjeeda.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay in Moqokori u ahaa Al Shabaab deegaan muhiim, islamarkaana kamid ah deegaanada ay ay kasoo abaabusho weerarada gobolka, ee ka dhanka ah Ciidamada DFS iyo AMISOM.

Ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya in ciidanka xooga Soomaaliya ay dagaal kula wareegeen deeganadaan, mana jiro wax hadal ah oo ku saabsan arrintaan oo kasoo baxay Al-Shabaab

Hadalka Taliye Faarax Cali Waasuge ayaa kusoo aadayaa iyadoo dowlada Soomaaliya ay wada dadaalo ay ku dooneyso inay Al- Shabaab kaga saarto deegaanada wali ku harsan gacanteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM