Al Shabaab oo Madaafiic ku weerartay Saldhigyo Ciidan

Image

WAJID, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaadey Saldhig Ciidanka Eithiopia ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha saldhigga, intastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in madaafiicda aysan gaystan wax khasaaro ah, islamarkaana ay ku dhaceen meel ka fog saldhiga ay degan yihiin ciidamada Eithiopia.

Ciidamada Eithiopia, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ku jawaabey madaafiic kale, sida dadka deegaan ay xaqiijiyeen.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey bar-koontarool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin halka lagu magacaabo Ceelka Geella, oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Kooxda ayaa sheegtay inay ku dishay weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe hal askari, sidoo kalena ay dagaalyahanadeeda ku hub kala duwan ku qabsadeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM