Al-Shabaab oo saacado qabsatay Xawaadley [Dhageyso]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa wakhti kooban la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Inta la ogyahay, waxaa kooxda ay ka wateen deegaankaasi markii ay tageen baabuur kuwa raaxada ah, oo la sheegay inay lahayd hay'ad gargaar.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya Al-Shabaab iyo weeraradooda joogtada noqdey oo u muuqdo inay si dardar ah ku socdaan.

Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji Ibraahim (Xassan-Dheere) oo horey gaarigiisa ay Al-Shabaab ugu gubeen degmada Balcad markii ay la wareegeen dhowr cisho ka hor ayaa xaqiijiyay la wareegida Xawaadley.

Al-Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ay ka fulinayso Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ay dowladda iyo maamul goboleedyada ay gacanta ku hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM