Al-Shabaab oo saacado qabsatay Xawaadley [Dhageyso]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa wakhti kooban la wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Inta la ogyahay, waxaa kooxda ay ka wateen deegaankaasi markii ay tageen baabuur kuwa raaxada ah, oo la sheegay inay lahayd hay'ad gargaar.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya Al-Shabaab iyo weeraradooda joogtada noqdey oo u muuqdo inay si dardar ah ku socdaan.

Xildhibaan Xasan Maxamed Xaaji Ibraahim (Xassan-Dheere) oo horey gaarigiisa ay Al-Shabaab ugu gubeen degmada Balcad markii ay la wareegeen dhowr cisho ka hor ayaa xaqiijiyay la wareegida Xawaadley.

Al-Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ay ka fulinayso Soomaaliya, gaar ahaan degaanada ay dowladda iyo maamul goboleedyada ay gacanta ku hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM