Al-Shabaab oo saaka qabsatay Goofguduud Buureey

Image

Warrarka ka imaanaya gobolka Bay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ciidammo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay qabsadeen tuulada Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca waddada aada degmada Waajid sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidanka weerarka qaaday ayaa tuulada dagaal la'aan ku galay ka dib markii ciidanka dawladdu ay isaga baxeen halkaasi. Illaa hadda dhinacyada Al-Shabaab iyo maamulka Konfur Galbeed kama aysan hadlin weerarkan u dambeeyay.

Al-Shabaab ayaa horey u qabsatay tuulada Goofguduud Shabeelow oo qiyaastii 30 km magaalada Baydhabo uga beegan dhinaca wadada aada degmada Diinsoor.

Dhinaca kale dagaalo ayaa saaka laga soo weriyay inay ka socdaan deegaano u dhaxeeya tuulooyinka Nuur Fanax iyo Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Dagaalada ayaa dhexmaraya ciidammada dawladda oo ay taageerayaan kuwa midowga afrika iyo ciidamada Al-Shabaab.

BBC

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM