Al-Shabaab oo Sarkaal sare looga dilay gobolka Baay [Fahfaahin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Saraakiisha ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in howlgal ay ka sameeyeen gobolka Bay ay ku dileen horjooge sare, oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay tuuladda Barariye oo qiyaastii 30-KM ujirta magaalada Buur-habakaba, ayaa waxaa ku dhintay Abuu Khudaama, oo Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta Zakada degaanada ay kooxda maamusho.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Eelaay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen xog ku aadan in tuulada ay weerareen uu ku sugan yahay Abuu Khudaama iyo xubno kale.

Ciidamadda ayuu shaaciyey in howlgalka ay kusoo furteen hub u badan AK-47 iyo Bastoolada, kuwaasi oo uu lahaa sarkaalka, kaasi lagu weerarey hoygiisa, oo aysan ujoogin wax ilaalo ah, sida uu sheegay wasiirka.

Wasiir Ealaay ayaa ku tar-tarsiiyey ciidamadda inay sii laba-jibaareen dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Al-Shabaab, isaga oo cadeeyay inay taasi keeneyso inay daciifto awooda xoogagaan xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Horaantii todobaadkan ayey ahayd markii maamulka KG uu sheegay in howlgal ay ka fuliyeen isla gobolka Bay ay ku dileen 4 kamid ah Al-Shabaab tiro kalena uu dhaawac kasoo gaarey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM