Al-Shabaab oo war kasoo saartey weerar ka socda Xarun ay wasaarado degan yihiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar toos ah ayaa ka socda gudaha dhismo ay degan yihiin dhowr wasaaradood oo katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ku yaalla nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online on rag hubeysan ay gudaha u galeen xaarunta ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Howlaha Guud iyo Taliska Booliska gobolka Banaadir.

Sawirro laga soo qaadey goobta ayaa muujinaya shaqaalaha Wasaaradaha la weeraray oo kasoo boodaya daaqadaha dhismaha lagu jiro, oo gudahiisa rasaasta ka socoto, si ay uga baxsadaan ragga hubeysan.

Lama oga in wasiiradda wasaaradahan ay ku sugnaayeen xarunta la weeraray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo ku faantay inay la wareegtay xarunta Wasaaradaha ku shaqeeyaan, iyadoo aysan shaacin tirada dableyda weerarka ku lugta leh.

Labo qarax ayuu weerarka ku billowday kuwaasoo si weyn looga maqlay caasimadda.

Weerar ayaa lagu soo beegay xilli ciidamada militeriga ay kasoo baxayaan difaacyadooda gobollada Shabeellooyinka, iyagoo ka cabanaya mushaar la'aan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u balan-qaadey shacabka Soomaaliyeed markii la doortey in Al-Shabaab uu dalka uga saarayo mudo labo Sano ah, islamarkaana uu wax ka qabanayo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM