Al-Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Saldhigga Sanguuni [Fahfaahin]

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Saldhiga ciidamadda Jubbaland ay ku leeyiiin degaanka Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Qarax oo ka dhashay Gaari nooca xamuul ah oo walxo qarxa lagu soo xiray, ayaa waxaa uu ku qarxay Nawaaxiga Xeradda ciidanka, waxaana xigay iska hor-imaad xoogan oo dhex-maray dabley hubeysan iyo ciidamada halkaasi ku sugan.

Dadka degaanka oo u waramay Warsidaha Garowe Online, waxay shaaca ka qaadeen inay maqleen qarax culus, oo xigay rasaas xoogan iyo dagaal fool-ka-fool ah oo socday mudo ku dhaw Hal saac.

Sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in Gaariga xamuulka ah ee Walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay "burburiyeen" ka hor inta uusan soo gaari saldhigooda ciidan.

Balse, ma jiraan illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda, wallow maamulka Jubbaland uu ku adkeysanayo in weerarka iyo Qaraxa ay iska caabiyeen, islamarkaana ay fashiliyeen.

Inta illaa iyo haatan la ogyahay waxaa weerarkaan lagu dilay saddex kamid ah ciidamadda Jubbaland, halka dhanka Al-Shabaab la sheegay inay uga dhimatay 7 xubnood, oo kamid ahaa ragii weerarka soo qaadey iyo kan gaariga qarxay waday.

Sidee wax u dhaceen?

Gaari Xamuul ah ayaa 5am [Salaadii Subax kadib] ku qarxay afaafka saldhiga Ciidanka.

Ciidamada Jubbaland waxay sheegeen inay kahor tageen qaraxa.

Dagaal culus oo mudo socday ayaa goobta ka dhacay.

Illaha Militeriga ayaa sheegaya in 3 Askari, iyo 7 Al-Shabaab ah lagu dilay dagaalka.

Illo wareedyo kale ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay.

Al-Shabaab waxay sheegtay inay gudaha u gashay Saldhiga, islamarkaana ay ku dishay 27 Askari.

Militeriga ayaa beeniyay warkan, oo sheegay inay kahor tageen weerarka.

Saldhiga Sanguun ayaa mudooyinkii dambe wuxuu wehel unoqdo weeraro joogta ah oo ka yimaada Al-Shabaab, iyadoo la ogyahay in bishii June ee sanadkaan weerar Madaafiic oo lagu qaaday lagu dilay Askari Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM