Al shabaab oo weerar qorsheysan ku qaadey xero ku taal Koonfurta Somaliya

Image

 Ugu yaraan 10 Askari ayaa lagu diley weerar qorsheysan oo lagu qaadey saldhig ciidamada ee ku yaal Galbeedka magalaada Muqdishu. 

MUQDISHU- Dagaal-yahanada ururka Al shabaab ayaa weerar ku qaadey saldhig ciidmada dowlada Somalia ku leeyihiin Koonfurta Galbeed Muqdishu, kaasoo lagu diley askar ka tirsan ciidamada iyo kooxdaan sidaas waxa u sheegey saxafada afhayeeno ka tirsan labada dhinac.

Weeraryahnadaan ayaa waxaa dagaalkaan ku bilaabey baabuur qarax ka buuxo oo lagu weerarey irida hore ee xeradaan subaxnimadii Isniinta 50 km u jirta  magalaada Muqdishu.

" Gaari uu ka buuxo qarax ayaa lagu soo dhuftey irida hore kadib waxaa  dagaal yahanada Al shabaab weerar xoog leh ku soo qaadeen xerada laanta buur ee ku taal goob 50 km u jirta magaalada Muqdisho" sidaas waxaa sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliya. 

Sarkaalkaan u hadlay ciidamada Somalida ayaa sheegey dhinaca kale kooxda al shabaab oo weerarkaan soo qaadey ka  dileen 12 qof. 

Afhayeen u hadlay ururka al shabaab ayaa sheegey dhinaciisa in weerarkaan ku dileen 30 ka tirsan askarta Somaliya islamrkaana xerada ka qaateen gawaari kuwa teknikada ah. 

Weerarka ayaa imaanaya xilli asbuucaan bilowgiisa al shabaab weerar ku qaadey saldhig Boolis oo ciidamada Kenya ku leeyihiin Degaanka Wajeer.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM