Al Shabaab oo weerartay degmada Mahadaay

Image

MAHADAAY, Soomaaliya - Xoogaga Al Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhex.

Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in iska hor-imaad daqiiqado socday uu Al Shabaab iyo ciidamada dowladda kuu dhexmaray Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee degmada Mahadaay.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo katirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday weerarka Al Shabaab, waxaana jira khasaaro soo gaaray dadka shacabka ah, inkastoo aan tirada wali la ogeyn.

Mas'uuliyiin maamulka degmada ayaa sheegay in ciidamada iyagoo ku howlan qaadista lacago canshuur ah suuqa Xoolaha ay weerar qaadmo ah kusoo qaadey dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Ciidamo gurmad ah ayaa goobta gaarey markii uu dagaalka mudo daqiiqado ah socday, kuwaasi oo dib u riixay xoogagii Al Shabaab-ka ee kusoo duulay, sida Goob-joogiyaasha ay u sheegeen GO.

Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada degmooyinka ay dowladda maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya xilli ciidamada AMISOM ay qorsheynayaa in dalka ka baxaan wixii ka dambeeyay dhamaadka bishan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM