Al-Shabaab oo weerartay Markab fadhiya Dekada Baraawe

Image

BARAAWE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah weerar madaafiic ah ku qaadey Markab weyn oo ku xirtay Dekada magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadka degaanka iyo Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ugu yaraan saddex madfac ay Al-Shabaab ku riday Markabka, oo sahay raashiin ah iyo saanad militeri u waday Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan Baraawe.

Ma cadda wali in madaafiicda ay waxyeello gaarsiiyeen Markabka ku xiran Dekada Baraawe, iyadoo wararku ay intaasi ku darayaan in Ciidmada AMISOM ay ku jawaabeen madaafiic kale oo ku rideen dhankii laga soo weeraray.

Magaalada Baraawe ayaa waxaa gacanta ku haya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaasoo dhibaatoo xooggan ka haysta marinka loo soo mariyo sahaydooda, maadaama wadada ka timaada Muqdisho ay go'doomisay Al-Shabaab.

AMISOM iyo Saraakiisha dowladda wali kama aysan hadlin weerarka madaafiicda ee lagu weeraray Markabka taagan dekada Baraawe, oo hadda ah mid aan si rasmii ah u shaqeynin, oo howlgab ah.

Wafdi ka socda Qadar ayaa dhawaan booqday Dekada Baraawe, iyagoo qiimeyn kusoo sameeyay suurt-galnimada inay maal-gashi ku sameyn karaan, waxaana caqabada ugu weyn inay shaqeyso dekada ay tahay dhanka amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM