Al Shabaab oo xalay duqayn ka gaysatay Baydhabo
BAYDHABO, Somalia- Mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab ayaa xalay saq dhexe hoobiyaal ku garaacay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Duqaynta ayaa lala eegtay xaafado u dhow madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed iyo nawaaxiga garoonka diyaaradaha.
Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay hal qof iyadoo dhaawacyo kala duwan soo gaareen ilaa 4 ruux oo kale.
Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Koonfur Galbeed, balse waxaa si kooban weerarkaasi uga hadlay ciidamada AMISOM oo sheegay in duqayntaasi gaysatay khasaaro naf iyo hanti isugu jira.
Dhawr bilood kahor ayay ahayd markii Madaafiic sidaan oo kale loogu garaacay magaalada Baydhabo kuwaasoo.
Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli maamulkaasi wado qorshayaal Al Shabaab looga saarayo deegaanada uu gacanta ku hayo.
GAROWEONLINE