​Al Shabaab uu hanjabtay goobaha kaararka Aqoonsiga Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay kaararka Aqoonsiga uu dhawaan billaabay maamulka gobolka Banaadir, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.

Ninka kooxdaasi u ah Afhayeenka oo lagu magacaabo Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay sida ay baahiyeen barahooda Internetka ee taageera, wuxuu fariin ugu diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdishu iyo nawaaxigeeda isagoo uga digay qaadasha kaararka Aqoonsiga.

Wuxuu ku sifeeyay inuu yahay mid dowladda Federalka Somalia ka samaynayso dhaqaale halka waddamada shisheeye loo gudbinayo xogta shacabka isagoo xusay inaysan aqbali doonin tallaabadaasi.

Cali Dheere ayaa ku hanjabay inuu kooxdiisu weerar ku qaadi doonto bar kasta oo lagu bixiyo kaararka, wuxuuna bulshada uga digay inay ka ku sugnaadaan goobahaasi.

"Waa inaad ka feejignaataan meelaha noocaas oo kale ah kaga digtoonaada meelaha lagu jaro kaarar aqoonsiga waxa ay ku sheegeen oo laga leeyahay Ujeedooyin fara badan oo ay ugu horeyso dhaqaale iyo in xogta muslimiinta loo gudbiyo waddamada gaalada ah,"Ayuu yiri Afhayeenka Shabaab.

Shirkaasi jaraa'id ayuu sidoo kale kusoo hadal qaaday weerarkii shalay dhacay ee ay ka gaysteen hotel SYL, wuxuuna sheegay inay ku dileen 40 qof halka dhaawaca uu ku tilmaamay 70 isagoo xusay inay ujeedadu ahay mas'uuliyiin katirsan dowladda oo shir u socday.

Hanjabaadda kaararka ku salaysan ee Al Shabaab ayaa soo baxday xilli maamulka gobolka Banaadir ugu baaqay shacabka inay qaataan si loo adkeeyo ammaanka islarkaana loo helo xogta qof kasta oo ku sugan gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM