Al-Shabab oo duleedka Muqdisho ku weerartay dad kasoo laabtay aas

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacantay ka gedaal markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen Gaadiid ka timid Aas oo mareysay degaanka Tareedhiso ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku dareysa in labadda qof ee dhimatay ay yihiin Askar ka tirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo galbineysa Gaadiidka Aaska kasoo laabtay, kuwaasi oo waday meyd kamid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxyadii shalay.

Lama ogga hadii ay jirto dhaawac ka dhalatay rasaasta la hubiyay gawaaridaasi, inkasta oo Goojoogayaal ay ku waramayaa in dadkii la socday gaariga oo nooca xamuulka ahaa ay xaalad argagax ah ay galeen.

Qaraxyadii shalay oo lagu beegsaday Hoteelka Saxafi waxaa ku dhimatay in ka badan 50 ruux oo ubadan shacab, halka dhaawac lagu sheegay ku dhawaad 100, oo qaarkood xaaladooda ay liidato.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda weerarkaasi, xili Shan kamid ah dagaalamayaasha xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida oo isku dayday inay gasho Hoteelka ay toogteen hay’addaha amniga iyo ilaalada.

Cabdifitaax Cabdirashadii Shire [Il-qeyte], oo ahaa Milkiilahihii hotel Saxafi kana mid ahaa dadkii ku geeryooday weerarka ayaa lagu aas-asay meel ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, oo si wayn loo sugo amaankeeda.

Weerarkani ayaa toosha wuxuu ku ifiyay habac-sanaanta dhinaca amniga ee xukuumada Xasan Cali Khayre, inkasta oo lagu amaaney ciidamada amniga sida ay uga fal-celiyeen dableyda isku dayda inay gudaha ugu daato Hoteelka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM