Al Shabaab oo ku xirtey gobolada dhexe 62 odey

Image

DHUUSO Mareeb- Wararka ka imaanaya gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in ururka Al-Shabab ay 62 odey ku xireen deeganno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Odeyaashan ayaa loo haystay sannad ka hor bixinta diyada 5 qof oo ka tirsan jufadooda oo ay iyaga dusha saarteen.

Diyada loo haystay odeyaasha ayaa gaaraysa 100 halaad islamarkaasna waxaa lagu ballamay in sannad kasta ay bixiyaan diyada hal qof.

Wararku waxay sheegayaan in sannadkani ay odeyaasha ka cago jiideen dhamaystirka bixinta diyadaasi.

Siddeed kamid ah odeyaasha ayaa lasoo daayay.

Gobolka Galgaduud qaybo kamid ah ayaa waxa ka arimiya kooxda Al Shabaab kuwasoo haysta inta badan degaanada baadiyaha.

Ururka Ahlu sunah oo kula dagaalamay ururka Al Shabaab gobolkaas ayaa ka arimiya degaanada ku teedsan laamiga oo ay ku jirto magaalo madaxda gobolkaas Dhuuso Mareeb.

Al Shabaab ayaa inta badan deeganada Koonfurta Soomaaliya iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya dadka ku nool waxaa ay isticmaalaan Maxkamadaha ururkaan xilli dowlada Federaalka nidaamkeeda cadaalada ku kooban yahay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyin khaas ah.

GO+BBC

Related Articles

Sheekh Shariif oo nasiib-darro ku tilmaamay guuldarrada dowladda ee dagaalka Al-Shabaab

Kooxda ayaa sanadkan la wareegtay Aadan Yabaal, Moqokori iyo Maxaas oo kawada tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 08:05AM

Shiinaha oo Digniin u Diray Somaliland isagoo Baalmarey Dowladda Federaalka Soomaaliya

War-saxaafadeedka, oo si adag u hadlaya, ayaa lagu sheegay in booqashada…

  • Soomaliya

    28-07-2025

  • 06:39AM