AlShabaab oo toogatay rag ay ku eedeysay "jaajuusnimo"

Image

MOGADISHU, Soomaaliya – Kooxda fadhigeedu yahay Soomaaliya ee Al-Shabaab ayaa shaacisay in ay toogatay shan shaqsi oo ay ku eedeysay in ay u basaasayeen sirdoonada Soomaaliya, Mareykanka iyo Kenya.

Xoogaga oo warkan ku faafisay idaacadda ku hadasha afkeeda ee Andulus ayaa tilmaamtay in raggan ay Arbacadii ku toogatey fagaare ku yaala degaanka Hagar ee Jubadda Hoose, koonfurta Soomaaliya.

Kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa magacyada nimanka oo gebigood Soomaali ah ku sheegtay; Cusman Cabdulle, 59-jir, Cabdikarin Muumin, 48-jir, Xasan Bare, 35-jir, Cusman Casan 33-jir iyo Axmed Cabdullaahi 24-jir.

Xasan iyo Axmed ayaa si gaar ah loogu soo googtey dacwad ku aadan in ay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka, xili saddexda kale lagu eedeeyay in ay xogaha u dusinayeen sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya.

Sidda laga soo xigtay dadka degaanka oo sababo amni uga gaabsadey magacyadooda, ragga oo la jeebeeyay waxaa toogtey dagaalameyaal tirro ah waxyar kadib markii maxkamada AlShabaab ay dil toogasho ku xukuntay.

Toogashooyinkan ayaa imaanaya xili Mareykanka uu dhowaan sare u qaadey weerarada dhanka cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab koonfurta ku sugan iyo Daacishta ku dhuumaaleysaneysa gobolada Puntland.

Inkasta oo ay kooxda sanadihii lasoo dhaafey lumisay dhulal badan, haddana waxay sii wadaa weerarada ay ka geysaneyso qeybo kamid ah dalka, si gaar ah Muqdisho oo ay ku shaqeyso dowladda federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM