Al-shabaab oo weerar ku qaadey xabsiga Nabadsugida Muqdisho

Image

Axad, August 31, 2014 (GO)- Koox loo maleynayo iney ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-shabaab ayaa ku qaadey weerar isugu jira qarax iyo rasaas xoogan, xabsiga Nabad Sugida ee ku yaal magaalada Muqdishu maanta 31 August,2014, halkaas oo loo aqoon jirey godka Jilacow inta aysan dhicin dowladii Maxamad Siyaad Barre.

Qarax weyn oo loo maleynayo inuu saarnaa gaari lagu dhuftey irida hore ee xaruntaas iyo rasaas xoogan ayaa laga maqalayaa dhismaha gudahiisa kaasoo ku yaal Bartamaha magaalada Muqdisho sidaas waxaa saxaafada u sheegey sarkaal Boolis ah. 

Saldhigaan ayaa kamid ah goobaha u ah muhiimka ciidamada Nabad Sugida oo ka howlgala magaalada Muqdishu iyo degaanada ku hareereysan halkaasoo ku xiran yihiin boqolaal maxaabiis ah.

Maxaabiistaan ayaa wararku sheegayaan iney u badan yihiin kuwa lagu tuhun sanyahay iney ka tirsan yihiin xoogaga Al-shabaab kuwaasoo dagaal kula jira ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Federaalka ah.

Wararka ka imaanaya goobta weerarkaan lagu qadaey oo aan ka fogeyn xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in kooxaha soo weerey gudaha u galeen dhisamaha xaruntaan iyadoo halkaas dagaal ka socdo.

Weerarka lagu qaadey xabsigaan Nabad Sugida ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shaley 30 August,2014 kooxda Al-shabaab laga qabsadey degaano ku yaal gobolka Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONILINE kala soco wararka ka soo kordha weerarkaan.

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM