Amaanka Gaalkacyo oo la adkeeyay iyo Farmaajo oo ku wajahan

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Sida Warsidaha Garowe Online soo qoray shalay, Wadfiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo oo haddan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa la filayaa in Gaalkacyo uu kula kulmo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Wasiirro, Xildhibaano, iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Amaanka Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay waxaan ku sugan wafdi hordhac ah oo u gogol-xaaraya booqashada Farmaajo, taasi oo qeyb ka ah socdaal uu ku bixinayo gobollada dhexe ee dalka kadib markii uu mudo todobaad ah uu ku sugnaa Puntland.

Madaxweynaha ayaa labo cisho joogi doona Gaalkacyo, oo u kala qeybsan Puntland iyo Galmudug, waxaana magaalada shacabkeeda iyo mas'uuliyiinteeda u diyaar-garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa uga soo gudbi doona Gaalkacyo dhanka Cadaado iyo Dhuusamareeb, oo hoostaga Galmudug, halkaasi oo uu kusoo gaba-gabeyn doono socdaalkiisa mudad qaatey ee uu ugu kuur-galayo xaalada gobollada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhaqaale Xumo iyo Isbeddelada Hoggaamineed oo Saameyn ku yeeshay Dagaalka Al-Shabaab

Dhibaatada Ciidamada dowladda ayaa muujineysa baahida loo qabo dib-u-habeyn dhameystiran oo ku saabsan hoggaanka.

  • Soomaliya

    16-05-2025

  • 09:14AM

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM