Amaanka Gaalkacyo oo la adkeeyay iyo Farmaajo oo ku wajahan

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Sida Warsidaha Garowe Online soo qoray shalay, Wadfiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo oo haddan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa la filayaa in Gaalkacyo uu kula kulmo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Wasiirro, Xildhibaano, iyo qeybaha kala duwan bulshada.

Amaanka Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay waxaan ku sugan wafdi hordhac ah oo u gogol-xaaraya booqashada Farmaajo, taasi oo qeyb ka ah socdaal uu ku bixinayo gobollada dhexe ee dalka kadib markii uu mudo todobaad ah uu ku sugnaa Puntland.

Madaxweynaha ayaa labo cisho joogi doona Gaalkacyo, oo u kala qeybsan Puntland iyo Galmudug, waxaana magaalada shacabkeeda iyo mas'uuliyiinteeda u diyaar-garoobeen soo dhaweynta Farmaajo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa uga soo gudbi doona Gaalkacyo dhanka Cadaado iyo Dhuusamareeb, oo hoostaga Galmudug, halkaasi oo uu kusoo gaba-gabeyn doono socdaalkiisa mudad qaatey ee uu ugu kuur-galayo xaalada gobollada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM