Amar lagu soo rogay maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya

Image
Toddobaadkii hore, dawladda federaalku ayaa amar dul-dhigtay dhammaan xawaaladaha iyo ganacsatada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay awaamiir cusub oo ku aaddan in dhammaan maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya ay ka babadaan calanka Soomaaliya si kor loogu qaado ammaanka dalka iyo in la caddeeyo gacan ku haynta baddeeda.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shalay oo Sabti ahayd waxay sheegtay in tallaabooyinkan cusub looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka.

“Maraakiibta hadda waxaa loo igmaday in ay ogeysiiyaan maamulada Soomaaliya, ayna u hogaansamaan nidaamka ay u dejisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda,” ayay ku dartay wakaaladda wararka.

Toddobaadkii hore, dawladda federaalku waxay ku amartay dhammaan xawaaladaha iyo ganacsatada ka hawlgasha Soomaaliya inay ka tirtiraan tixraacyada "Somaliland" ee ku jira mareegaha iyo adeegyada maaliyadeed si loo xoojiyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sida uu amarkan cusub u saamayn doono maraakiibta ku soo xiranaysa dekedda Berbera ee Somaliland, oo aan la ogolayn inuu ka babado calanka Soomaaliya.

Awaamiirtan ayaa ku soo beegantay sideed bilood ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Turkiga.

Sida uu sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, heshiiska waxaa ka mid ah qodobbo ku saabsan dhismaha, tababaridda, iyo qalabeynta ciidamada badda Soomaaliya. Heshiiskan wuxuu ka hortagayaa isku-dayga Itoobiya ee qaadashada dhulka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM