Amiirka Al-Shabaab oo "amray" dilka sarkaal iska casilay xil uu u dhiibay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah shaaca ka qaadey in Al-Shabaab ay dil iyo xarig kula kacday saraakiil ka tirsanaa.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Axmed Diiriye Abuu Cubeyd, hogaamiyaha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida, uu amray talaabooyinkaas.

Bayaanka ka kooban 39 xaraf ayaa intaas ku daray in la toogtay Muuse Macalin, madaxii Amniyaatka kooxda ee gobolka Banaadir, oo ay sheegtay in uu xilkaas iska casilay, dhowaan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in sidoo kale xabsi loo taxaabay Cumar Maxamed, oo ay ku qeexday in uu ahaa madaxa hawlgalinta Amniyaatka Al-Shabaab ee isla gobolka.

"Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu'aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye," ayuu lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

NISA ayaa bilooyinkii u dambeeyay diiradda saartay baahinta wararka gudaha Al-Shabaab, taasoo ay dhaleeceyn kala kulantay.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku adkeystay in hay'adda mukhaabaraadka looga baahan yahay in ay uruuriso xogaha "argagixisada" gaar ahaan kuwa suurtagelinaya in laga hortago weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM